691 ardey oo ka qalin jabisay Jaamacadda Jamhuuriya ee magaalada Muqdisho.

Dec. 27 (Jowhar.com)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xaflad ay ku qalin jabinayeen arday ka baxday kuliyadaha kala duwan Jaamacadda Jamhuuriya ee culuumta Tiknoolojiyadda.

Ardayda qalin jabisay oo eheyd dufcadii 7-aad ayaa ah 691 ardey, kuwaasoo 466 ay yihiin wiilal, halka 225-ta kalena ay Gabdho yihiin, sida ay sheegeen maamulka sare ee Jaamacadda.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Jaamacadaha qaar ee dalka ku yaal, Macalimiin, Waalidiinta ardeyda qalin jabineysay iyo marti sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay heerarkii kala duwanaa ee soo mareen ardeyda, waxaana lagula taliyay iney waxbarashada hore usii wadaan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Injineer Maxamed Axmed Maxamuud oo ardeyda ugu hanbalyeeyay ka mira dhalinta hadafkooda ayaa dhinaca kale sheegay in ardeyda maanta qalin jabisay ay ku jireen 31 ardey oo Jaamacadda ku dhiganayay si bilaash ah (lacag la’aan), taasoo muujineysa in jaamacadda ay qaadatay doorkeeda uga aadan caawinta bulshada.

Si kastaba, munaasabadda maanta ayaa kusoo beegantay xili jaamacadda Jamhuuriya ay 10 sano jirsatay, wuxuuna maamulkeeda balan qaaday iney sii laba jibaari doonaan horumarinta waxbarashada dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More