Home Blog

Muungaab oo amray in la dardargeliyo diiwaangelinta doorashada qof Iyo Cod

0

Jul 17 (Jowhar) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dawladda Hoose ku shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargalinta kaalinta ay Maamulka Gobolka iyo Degmooyinku ka qaadanayaan fududeynta habsami-u-socodka Ololaha

Ra’iisul Wasaare xamsa oo faray heyaada dowladda in si degdeg ah gurmad u gaarsiiyaan gobalka Awdal

0

Jul 17 (Jowhar)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa.

Turkiga, Lubnan iyo Ciraaq oo si adag uga hadlay weerarada Israel ee Syria

0

Jul 17 (Jowhar) Turkiga ayaa sheegay duqaymaha Israel ee Dimishiq iyo faragelinteeda Koonfurta dalkaasi ay tahay talaabo dhaawacaysa dadaalka Suuriya ee helitaanka nabadda, xasiloonida iyo ammaanka.

Israa’iil oo duqaysay xarunta ciidamada Milatariga Suuriya ee Dimishiq

0

Jul 16 (Jowhar)- Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay qaadeen duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen Dhismaha Wasaarada Gaashaandhigga ee magaalada Dimishiq kuna dhow madaxtooyada Siiriya.

Olole ka dhan ah madaxweyne Cagjar oo ka socda Adis-ababa (yaa wado abaabulkan?)

0

Jul 16 (Jowhar)-Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya in olole siyaasadeed oo culus oo ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) uu ka socdo magaalada Addis Ababa, iyadoo ay howshaasi wadaan xubno saameyn weyn ku leh bulshada deegaanka iyo siyaasadda gobolka.

ISIS kusoo tababartay Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Itoobiya

0

Jul 16 (Jowhar) Maamulka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la xidhay 82 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Islaamiga ah ee ISIS, kuwaasoo la sheegay in loo tababaray inay ka fuliyaan weerarro argagixiso gudaha dalkaas.

Puntland oo ku eedeysay dowlada federalka dagaal ka dhacay Dhahar

0

July 15 (Jowhar)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag,

Waxgaradka SSC Khaatumo oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha ee XFS

0

July 15 (Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi Cali Xirsi Timacadde iyo Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha XFS Xil. C/laahi Bidhaan Warsame ayaa si wadajir ah kulan ula qaatay mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, muhiimadda Nabadda, Wadajirka iyo Ilaalinta Midnimada.

Sanad guurada 9-aad ee afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay

0

July 15 (Jowhar)-Wasiirka amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii 9-aad ee ka soo wareegtay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga sanadkii 2016.

Munaasabaddan oo lagu qabtay Xarunta Aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu daahfuray Iskuulka Luuqadda Turkiga oo si rasmi ah loogu kordhiyay xarunta, si kor loogu qaado xirfadda luuqadeed ee ciidamada, loona xoojiyo xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiir Fartaag ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku ammaanay doorka dowladda Turkiga ee taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga. Waxa uu intaas ku daray in iskuulkan cusub uu fursad weyn u yahay ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u bartaan luuqadda Turkiga, taasoo sare u qaadi doonta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.(sonna)

Wasiirka Caddaaladda oo maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda

0

July 15 (Jowhar)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya adeegyada caddaaladda iyo caafimaadka, kaas oo ay iska kaashanayaan Jaamacadda Palermo ee Talyaaniga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Mashruucan oo socon doona muddo saddex sano, ayaa lagu siinayaa tababbaro shaqaalaha ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda Caafimaadka, si loo tayeyo adeegyada ay bulshada u fidiyaan.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in mashruucani uu caddeyn u yahay dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada dadweynaha, isla markaana uu xoojinayo iskaashiga waxbarasho ee caalamiga ah si loo dhiso hay’ado hufan oo bulshada si siman ugu adeega. (Sonna)