Jan 12(Jowhar)-Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa maanta baabi’iyay gabi ahaanba heshiisyadii Amni iyo Difaac ee Dowladda Federaalka ahi kula jirtay dalka Imaaraadka.
Iyada oo la ilaalinayo Midnimada Soomaaliya, Golaha Xukuumadda ayaa laalay heshiisyadii Amniga iyo Iskaashiga, sida lagu go’aamiyay shir maanta ay yeesheen Goalaha Xukuumadda Soomaliya.
Sida ku cad qaraarka ay ansixiyeen golaha Wasiirada Federaalka, waxay DFS go’aamisay in meesha laga saaro Heshiisyadii UAE iyo Soomaaliya wada galeen kuwaas oo taabanaya.
1-Heshiisyada Ganacsiga labada dhinac u dhaxeeyey
2- Heshiisyada siyaasadeed
3- Heshiisyada amniga iyo difaaca.
4- Heshiisyada UAE ku maamuleysay qeybo kamid ah ilaha dhaqaalaha.
Wasiirka arrimaha dibada Federaalka ayaa golaha ka horsheegay in ay Imaaraatka u ole-oleeyeen sidi Somaliland loogu aqoonsan lahaa dal madax banaan, waxayna XFS ku eedeysay Imaaraatka in ay galkaas ka shaqeysay, kuna xadgudubtay Madax banaanida Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa qoysaskiisa ka rartay Imaaraatka, xiligaas oo uu bilaabanayay burburka heshiiskii udhaxeeyey labada dhinac.










