Madaxweyne Xasan oo ka hadlay asakrtii Somaliland looga qabtay dagaalkii Laascaanood ee wali xiran

1

Jan 17(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay askartii Somaliland looga qabtay dagaalkii Laascaanood ee wali xiran ayaa sheegay in aysan sax ahayn islamarkaana aysan xaq u lahayn in wiilal Soomaaliyeed ay ku sii jiraan xabsiyo sababo la xiriira aragtiyo siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka shaqaynayso sidii loo sii dayn lahaa dhalinyarada u xiran arrimo siyaasadeed oo qalloocan, kuwaas oo aan waafaqsanayn mabaa’diida cadaaladda iyo dowladnimada.

Waxa uu sidoo kale xusay in cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada, isla markaana aysan jiri karin horumar iyo xasilooni haddii muwaadiniinta lagu cabburiyo aragtidooda siyaasadeed.

Hadalkan ayuu ka jeediyay caleema saarka hoggaanka maamulka Waqooyi Bari oo manata ka dhacday magaalada Laascaanood.