Jan 18(Jowhar)-Wasaarada Difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa diyaarisay 1500 oo askari oo Milatari ah kuwaas oo loogu talagalay in la geeyo gobalka Minnesota .
Warkan kasoo baxay Pentagonka ayaa lagu yiri ciidanka waxaa la gayn doonaa gobalka Minnesota hadii rabshadaha ka dhacaya gobalka ay sii socdaan.
Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii madaxweyne Trump axadii uu ku hanjabay in uu adeegsan doono ciidan Milatari ah hadii aan la joojin dibadbaxyada ka dhanka ah ICE.










