Golaha Mustaqbalka oo si rasmi ah you aqbalay gogoshii ay dowladda fidisay

98

Jan 24(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubaland iyo Madasha Samata-bixinta ee Muqdisho ka dhisan ayaa aqbalay gogosha ay fidisay dowladda ee dhaceysa bilowga bisha February, taasoo ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Tillaabadan ayey sheegeen iney u cuskadeen si looga hortago firaaq dastuuri ah, loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada Dalka.

Waxa ay soo jeediyeen in madaxweyne Xasan uu qaado tillaabooyinka si shirka uu u guukeysto:

1. In gebi ahaanba la joojiyo wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee sanadkii 2012, iyada oo aan la helin heshiis qaran.

2. In ajandayaasha wada-hadallada lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh xaaladda dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin. Amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, laguna saleeyo sharciyadda Dowladda Federaalka.

Xaaladda midnimada iyo wadajirka dalka.

Xaaladda abaaraha iyo saameynta ay ku yeesheen guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), ayaa la sheegay in goluhu u xilsaaray diyaarinta talooyin farsamo oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.