Madaxweynaha Masar oo Ka Hadlay Midnimada Gobolka iyo Khatarta Maleeshiyaadka gooni-u-goosadka ah

90

Jan 24(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdifataax Al-Sisi, oo hadal ka jeedinayay munaasabadda sannad-guurada Maalinta Ciidanka Booliska dalkaas, ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee gobolka.

Madaxweynuhu wuxuu ku nuux-nuuxsaday in Masar ay si cad u diidantahay in la kala qaybiyo dalalka gobolka, isagoo sheegay inaan marnaba la aqbali doonin ama aan la aqoonsan doonin hay’ado ama ururro barbar-socod ah oo loolan geliya madax-bannaanida dawladaha.

Isagoo sii hadlayay, Al-Sisi wuxuu farta ku fiiqay in dhinacyada ku hawlan samaynta, faafinta iyo taageeridda maleeshiyaadka hubeysan ay mas’uul ka ahaayeen burburka weyn ee ku habsaday dalal dhowr ah oo ka tirsan gobolka. Wuxuu xusay in fiditaanka kooxahan hubeysan ay tahay sababta koowaad ee keentay xasillooni darrada ka jirta gobolka, taas oo caqabad ku ah nabadda iyo horumarka.

Alsiisi, ayaa inta uu hadlayay adkeeyay inaan dowlad-na aan laga aqbalayn inay farageliso madaxbannaanida dalalka gobolka, Masar-na ay dedaalkasta gelinayso inay xaqiijiso wadajirka dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka.

Hadalka Madaxweynaha Masar ayaa xilli ay sare u kacday xiisadda gobolku, Masar-na ay hormuud u tahay ilaalinta Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya.