Jan 25(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Wadamada Maraykanka iyo Ingiriis-ka ee Bariga Africa, Col Ryan flaherty iyo Col Rich Grover oo ay weheliyaan Saraakiil sarsare.
Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray Hawlgallada gebagebada maraya ee Argagixisada Daacish looga sifaynayo Calmiskaad iyo xoojinta Iskaashiga guud ee la dagaalanka Argagixisada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay, sida ay Dowladda iyo Shacabka Puntland uga taageereen in Hawlgalka Calmiskaad Guuleysto.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.










