Ra’iisul wasaare Xamze oo kulamo la qaatay qaar kamid ah bulshada gobolka Sanaag

Apr 14(Jowhar)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa  magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta,iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka Khawaarijta

Mudane Xamsa, oo tallooyin  ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More