Feb 02(Jowhar)-Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal oo manata isugu imanaya kulan ayaa loogu qeybinayaa wax ka bedelka lagu sameeyay Shan Cutub oo cusub oo Dastuurka kamid ah.
Kulanka maanta ayaa sidoo kale la doonayaa in mudanayaasha ay soo akhristaan Cutubka 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, kuwaasoo diirada saaraya qodobo xasaasi ah.
Waxaa jirta cabsi ah in fowdo iyo gacan ka hadal uu ka dhoco kulanka maanta, maadaama xildhibaanada mucaaradka ay wali ku adkeysanayaan inaan wax kq bedelka Dastuurka la keenin fadhigan.
Ilaa 18 xildhibaan oo uu ku jiro Wasiirka Amniga Fartaag ayaa laga xanibay dhowr kulan, sababao la xiriira ganaax ay ku muteysteen iney fowdadii kulankii Arbacada ee baarlamaanka.
Liiska magacyada xildhibaabadan ayaa la dhigay baraha kontrol ee madaxtooyada, iyadoo sidoo kale warbaahinta qaar loo diiday iney tagaan kulanka maata sababo ku aadan iney baahiyeen qaskii u danbeeyay ee baarlamaanka.










