Monday, February 2, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Somaliland oo Safar ugu baxay Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha Somaliland oo Safar ugu baxay Imaaraatka Carabta

79

Feb 02(Jowhar)-Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar ugu ambabaxay dalka Imaaraatka Carabta, halkaas oo uu kula kulmayo masuuliyiin iyo dhinacyo kala duwan oo uu kala hadlayo arrimo la xiriira Somaliland, iskaashi dhaqaale, maalgashi iyo xaaladda guud ee Geeska Afrika.

Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd Imaaraatka Carabta, tallaabadaas oo falanqeeyayaal badani aaminsan yihiin in ay fursad dheeri ah u abuureyso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Imaaraatka Carabta ayaa horey door weyn uga qaatay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland, isagoo maalgashi ballaaran ku sameeyay Dekedda Berbera, taas oo noqotay mid ka mid ah dekedaha istiraatiijiga ah ee ugu muhiimsan gobolka.

Sidoo kale, Imaaraatku waxa uu Somaliland ka fuliyay mashaariic horumarineed oo waaweyn, kuwaas oo saameyn muuqata ku yeeshay dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Dhanka kale, Imaaraatka Carabta ayaa lagu tilmaamaa quwad si weyn u saameysa Geeska Afrika, isaga oo door muhiim ah ka ciyaara isu socodka ganacsiga gobolka, gaar ahaan isku xirka Itoobiya iyo Dekedda Berbera. Addis Ababa ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd dekedo kale, balse Imaaraatku wuxuu dadaal ugu jiraa in Berbera ay noqoto marin ganacsi oo beddel u noqda dekedahaas.

Sidoo kale, Imaaraatka Carabta ayaa si firfircoon uga qeyb qaata isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka socda gobolka, taas oo ka dhigeysa safarka Madaxweynaha Somaliland mid xambaarsan muhiimad gaar ah, kana tarjumaya dadaallada Somaliland ee ku aaddan xoojinta xiriirrada caalamiga ah iyo doorkeeda gobolka.