Kooxda Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degmada Aadan Yabaal
Apr 15 (Jowhar)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo kooxda Al-shabaab saaka waabarigii ay ku qaaday degmada Aadan Yabaal ee Waqooyi Bari gobolka Sh.dhexe.
Wararka la helayo ayaa intaasi kusii daraya in dagaal mudo kooban socday kadib ay kooxdani la wareegtay degmada, ciidamadii dowladda iyo kuwii deegaanka ayaa haafan ku sugan banaanka Aadan Yabaal.
Si dhab ah wali looma ogaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana jira shacab badan oo ciidankii dowladda hore usii raacay, kuwaasoo cabsi ka qabay in maleeshiyaadka Shabaabka ah ay dhibaateeyaan.
Aadan Yabaal oo kooxda laga saaray bishii December sanadkii 2022 ayaa kamid eheyd meelaba halbowlaha u aha gulufka ka dhanka ah kooxdan Shabaab.