Wednesday, February 4, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo hay’adaha dowladda faray iney shaqadooda ugu badan u weeciyaan...

Madaxweyne Xasan oo hay’adaha dowladda faray iney shaqadooda ugu badan u weeciyaan Gurmadka Abaaraha

80

Feb 04(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Halkaasi oo uu ugu kuur galay hawlaha gurmadka degdega ah ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka dhageystay howl-wadeenada Hay’adda, kuwaasi oo soo bandhigay deegaanada ugu daran ee  abaartu saamaysay, barakaca, nabaad guurka deeegaanka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay, iyaga oo tilmaamay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isku beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta Beni-aadannimo ee ka dhalankarta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha Maaliyadda dalka in  canshuuraha laga dhaafo, deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo shacabka tabaalaysan.