Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Hoobiyayaal lagu soo garaacay magaalada Muqdisho
Apr 19 (Jowhar)Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo saaka kusoo dhawacay xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Hoobiyayaasha oo aan wali la shaacin halka kaga soo tuuray ayaa mid kamid ah waxa uu ku dhacay guri ku yaala waaxda Kacaan ee degmada Xamar Weyne, halkaasoo laba qof ay ku dhaawacmeen, mid ku dhacay Xamar Jajab aagga Buubdada ayaa isaguna sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale.
Laamaha amaanka ee dowladda oo ku fashilmay sugida amniga caasimadda ayaan ku guuleysan soo qabashada kooxihui falkan ka danbeeyay, kuwaasoo si nabad ah uga dhawaaqay goobihii ay madaafiicda kasoo tuureen.
Dowladda Soomaaliya oo looga soo adkaaday dagaalka kooxda Shabaab ee daafaha magaalada iyo gobolada ku hareereysan ayaa haayan u muuqata in la isla soo aaday gudaha magaalada Muqdisho, mana muuqato wax qorshe cad ah iyo isla xisaabtan lagala sameynayo kuwa gabay howlihii loo igmaday.