Saturday, February 7, 2026
Home NEWS Aadan Madoobe oo awaamir culus oo ka dhan xildhibaanada siiyay askarta baarlamaanka

Aadan Madoobe oo awaamir culus oo ka dhan xildhibaanada siiyay askarta baarlamaanka

81

Feb 07(Jowhar)-Guddoonka baarlamaanka ayaa amar kusiiyey saraakiisha ciidan ee lagaliyey hoolka golaha in ay xildhibaan kasta oo isku daya in uu aado aaga hadalka xoog lagu saaro, sidaas oo kalena afarta goobod ee laga soo galo Minbar-ka hadalka ayaa ciidan la dhigay.

Aaden Madoobe ayaa fadhiga maanta imaaneyn, maadaama uu yahay Kusime madaxweyne, sidoo kale mudanayaasha 40 gaaraya ayaa ganaax ku maqan, taas oo abuurtay cabsi dhinaca kooramka, laakiin mucaaradka ayaa kudoodaya in guddoonka aysan guntanka golaha tixgalineyn.

Tiro ka badan 20 mudane baarlamaan oo mucaarad ah diidan in waqtigan dalka lagaliyo doodo dastuur oo aan heshiis lagu aheyn ayaa hadda qaarkood joogaan xarunta golaha, kuwana galayaan, taas oo ka dhignaanaysaa todobaadkii 2aad oo golaha oo kalfadhigiisa dhamaaday uu buuq hareynaya fadhiyada golaha.