Banaanbaxyo ka dhan ah Trump oo gil gilay guud ahaan dalka Mareykanka

Apr 20(Jowhar) Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan Mareykanka maalintii Sabtida si ay uga mudaaharaadaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mudaaharaadyadan oo loo yaqaan “50501”, oo ah “50 mudaaharaad, 50 gobol, 1 dhaqdhaqaaq”, ayaa loo qorsheeyay in ay la jaanqaadaan sannad-guuradii 250-aad ee bilowgii Dagaalkii Xorriyadda ee Mareykanka.

Meelo badan sida dibedda Aqalka Cad, xarumaha ganacsiga Tesla, iyo bartamaha magaalooyinka waa weyn, dadku waxay muujinayeen cabashooyin kala duwan. Qaar badan ayaa codsaday in dib loo soo celiyo Kilmar Ábrego García, oo si khaldan loogu tarxiilay El Salvador.

Mudaaharaadyada siyaasadeed ayaa sii kordhaya gudaha Mareykanka, iyadoo mudaharaadyadii “Hands Off” ee billowgii Abriil ay soo jiiteen dad badan, xilli sahanno muujinayaan in sumcadda Trump ay hoos u sii dhacayso.

Banaanbaxyadii Sabtida ayaa diiradda saaray dhowr tallaabo oo uu qaaday Madaxweyne Trump, oo ay ku jiraan kuwa ay qaaday Waaxda Hufnaanta Dowladda (Doge) oo ah hindise uu Trump wato si loo dhimo shaqooyinka dawladda Mareykanka iyo kharashaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More