Madaxweyne Cirro oo si kulul uga hadlay safarkii ra’iisul wasaare Xamze ee Laascaanood
Apr 20 (Jowhar)-Madaxweynaha Mamulka Somaliland Cabdi Raxmaan Cirro oo khudbad u jeediyay golaha baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda guud ee maamulkiisa.
Cirro waxa uu soo hadal qaaday safarkii taariikhiga ahaa ee ra’iisul wasaare Xamze uu dhawaan ku tagay magaalada Laascaanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Inuu ahaa safarkaasi duulaan qaawan oo sababai karaa dilaacista dagaal sokeeye ayuu ku sifeeyay madaxweynaha Mamulka Somaliland.
“Safarkii Raysal wasaaraha DFS ee Sool wuxuu ahaa duulaan qaawan, wuxuuna sababi karaa dagaallo sokeeyo oo degdeg ah, kama tanaasulayno is-raacsanaanta dhuleed ee Somaliland.” Ayuu hadalkiisa ku yiri.