Madaxweyne xasan oo madaxtooyada ku qaabilay ra’iisul wasaare hore Shirdon

Apr 20(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aaday xili ra’iisul wasare hore Saacid oo 15-kii bishan Muqdisho kasoo dagay uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne iyo hoggaamiyaha xisbi sigaasadeedja Nagaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More