Sunday, February 8, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhiggiisa dalka Masar

68

Feb 08 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qasriga.

Madaxtooyada Al-Ittixaadiya ee magaalada Qaahira,caasimadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, halkaas oo uu ku qaabilay dhiggiisa Masar, Mudane Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalladooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, iyo adkeynta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar oo ah dalal walaalo ah.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo ay uga hadleen natiijada kulankooda.