Ciidan Macwuusley ah oo weerar culus ku qaaday Shabaab isku uruursanayay nawaaxiga Aadan Yabaal

Apr 22(Jowhar) Ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa Maqribnimadii weerar qorsheysan ku qaaday koox Shabaab ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaasi waxaa ka dhashay dagaal culus oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay xubno Shabaab ah, sida Warbaahinta dowladda ay baahisay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ay dileen tiro badan oo Shabaab ah, howlgalkaasna uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Sidoo kale, waxay sheegeen inay ku guuleysteen ka hortagga dhagartii cadowgu halkaas ka maleegayay.

Waxaa haatan socota qiimeyn ku saabsan khasaaraha lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo saraakiishu sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta dagaalka oo ku taalla inta u dhexeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More