Monday, February 9, 2026
Home NEWS Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

40

Feb 09 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saarayo dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka, ayaa adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dalkeenna, isaga oo tilmaamay in ay laf-dhabar u tahay horumarka dhaqaale, bulsho iyo amniga dalka, waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay maalgelinta waxbarashada, xirfadda macallimiinta iyo Manhajka guud ee dalka, si loo helo nidaam tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah ee tacliinta.

“Xukuumadda DanQaran wax ay hirgalisay tababbarro joogto ah oo la siinayo barayaasha dalka iyo nidaamyo lagu qiimeynayo tayada macallinka, si loo helo barayaal ku hubaysan aqoon, karti iyo anshaxa waxbarasho ee dalka, waxaannu xoojinay mideynta manhajka waxbarashada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa tacliinta sare, si ardayda Soomaaliyeed u helaan aqoon tayo leh, isku dheelli tiran, una dhiganta heerarka caalamiga ah. Tallaabooyinkaasi waxa ay muujinayaan sida ay Xukuumadda uga go’antahay dhismaha nidaam waxbarasho oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Qaranka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo oo ku aaddan dib-u-dhiska nidaamka waxbarashada iyada oo Xukuumaddu ay hirgalisay shuruuc, siyaasado iyo habraacyo muhiim u ah waxbrashada sida Xeerka Waxbarashada, Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada iyo Istaraatiijiyadda horumarinta waxbarashada, kuwaas oo saldhig u ah baahida tacliinta, tayeynta iyo xoojinta nidaamka maamulka waxbarashada.

Shirweynaha waxa uu si buuxda ula jaanqaadayaa qorshayaasha istaraatjiyadeed ee ay ka mid yihin Qorshaha Istarsatijiga Waxbarashada (ESSP 2022-2026), Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029) lyo Aragtida Qarni Jirka 2060 (Vision 2060), kuwaas oo dhammaantood u aqoonsan waxbarashada in ay tahay tiirka horumarinta karaanka aadanaha, nabad-dhiska, dowlad-wanaagga iyo kobac dhaqaale oo waara.

Shirka oo hal-ku-dhiggiisu yahay sannadkan (Hiigsi Toosan iyo Horumar Tayeysan), ayaa ujeedkiisu yahay in lagu qiimeeyo waxyaabaha ka qabsoomay qorshihii sannadkii hore, dib-u-eegista dhexe ee heshiiska iskaashiga Soomaaliya (Partnership Compact) oo qeyb muhiim ah ka ah maalgalinta Hey’adaha Iskaashiga Caalamiga ah ee waxbarashada (GPE), iyada oo lagu qiimeynayo isla-xisaabtanka dowladda iyo bah-wadaagta waxbarashada.

Ugu dmabayn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mhadceliyay madaxdii kasoo qayb-gashay Shirweynahan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Jamhuuriyadda Jabuuti,Mudane Nabiil Maxamed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb ka ah bahda waxbarashada.