Macwuusleyda Hiiraan oo weerar ku qaaday Shabaab ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga Aboorey
Apr 23(Jowhar) Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.
Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Shabaabka lagu laayey, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.
Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa habeen kahor sidaan oo kale weerar ugu qaaday Shabaab isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna gaarsiiyeen khasaare culus, kuna guuleystay inay ka hor tagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.