Monday, February 9, 2026
Home NEWS Heshiis laga gaaray weerarkii Garyare iyo Dayx ay ku qaadeen Maareeye Abdinasir...

Heshiis laga gaaray weerarkii Garyare iyo Dayx ay ku qaadeen Maareeye Abdinasir Gureey

52

Feb 09(Jowhar)-Waxaa hishiis laga gaaray dhibkii dhawaan Hotel Paradise ku dhexmaray Senator Abdiweli Garyare, Xildhibaan Dayax Omar oo dhinac ah iyo Maareeye Abdinasir Gureey  iyo Dr, Mohamed Baldho Dhinaca kale ahaa.

Xildhibaano iyo Senatoro kala matelayey Senator Abdiweli Garyare iyo Xildhibaan Dayax Omar ayaa waxaa ay u ogol fadhiisteen reerka ay ka dhasheen Maareeye Abdinasir Gurey iyo Dr, Mohamed Baldho, iyagoona uga soo hoyday qaladka ka dhacay labada mas’uul ee dagaalka qaaday.

Dhinaca kale waxaa goobta cafis uga fidiyey Maareeye Abdinasir Gureey iyo Dr, Mohamed Baldho , iyagoona sheegay inaysan waxba u qabin walaalahooda Senator Garyare iyo Xildhibaan Dayax oo uu qaladku ka dhacay.

Ugu danbeyn waxaa goobta looga mahadceliyey akhyaartii Howshaasi dhexgashay ee runtii muujiyey dhabar-adeega, gaar ahaan Senator Dhagdheer, Xildhibaan Ahmed Daqare, Senator Abdullahi Goley, Xildhibaan Abdirahman Gureey, Xildhibaan Buux , Xildhibqan Qaasim , Xildhibaan hore  Abdullahi Yusuf Alankeey iyo Ganacsade Dhagaweyne.