Cabaas ayaa ugu baaqay Xamaas in ay sii deyso la haystayaasha Israel

Apr 24 (Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay Xamaas inay sii daayaan dhammaan la haystayaasha, isagoo caddeeyay in xariggoodu uu Israel u sahlayβ€œ marmarsiyo” oo ay ku weeraraan Qaza, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay soo bandhigeen meydad gubtay oo ka soo haray duqeynta Israel.

Rabshadaha ayaa sii xoogeystay, iyadoo duqeymaha cirka ee Israel ay galaaftay nolosha ugu yaraan 25 qof guud ahaan dhulka la go’doomiyay, halka Jarmalka, Faransiiska, iyo Britain ay ku booriyeen Israel inay qaado xannibaadda ay ku heyso gargaarka bini’aadannimo.

Israel ayaa dib u billowday howlaheeda millatari ee Gaza 18-kii Maarso, iyadoo soo gabagabeysay xabbad-joojin si ku-meel-gaar ah u hakisay colaadda waxayna keentay in Gaza laga sii daayo 33 la haystayaal ah oo ay weheliyaan qiyaastii 1,800 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada Israel.

Wada-hadallada xabbad joojinta cusub ayaan weli laga gaarin wax horumar ah oo la taaban karo, waxaana hadda magaalada Qaahira ku sugan wafdi ka socda Xamaas si ay wadahadallo cusub ula yeeshaan dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar.

“Anigaa kuwa dhibatada qaadaya, waa dadkayagu waa kuwa dhibaataysan, ma aha Israel, walaalkay sii daaya.”

“Maalin walba waxa ay keentaa dhimasho cusub. Waayo

β€œWiilashii eeyyow, waxaad haysaan is dhiiba oo naga sii daaya dhibka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, isagoo af-lagaaddo Carabi ah u adeegsaday Xamaas.

Bassem Naim oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa hadalka Mr. Cabbaas ku dhaleeceeyay β€œaflagaado”.

“Abbas wuxuu si joogto ah oo shaki leh u eeda dambiyada qabsashada iyo gardarrada joogtada ah ee ay ku hayso dadkeenna,” ayuu yidhi.

Guutada Ezzedine Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa markii dambe sii daayay muuqaal ay ku andacoonayaan inay muujinayaan la haystayaal Israeli ah oo nool oo ku jira tunnel ku yaal Gaza. Shakhsiga ayaa isku sheegay inuu yahay Omri Miran oo 48 jir ah.

Xidhiidhka u dhexeeya xisbiga Fatax ee Mr. Cabbaas iyo Xamaas ayaa ahaa mid aan wanaagsanayn, kaas oo ay astaan ​​u ahaayeen khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo caqiido oo qoto dheer muddo ku dhow labaatan sano.

Mr. Cabbaas iyo maamulka Falastiin ayaa inta badan Xamaas ku eedeeya inay wiiqayaan midnimada Falastiin, halka Xamaas ay ku dhaleecaysay kuwii hore inay la shaqeeyaan Israa’iil iyo inay caburinayaan mucaaradka ka jira Daanta Galbeed.

Mr. Cabbaas ayaa khudbad ka jeediyay golaha hoggaaminta oo la filayo in uu ku dhawaaqo qofka beddeli doona toddobaadkan, iyada oo ay jirto cadaadis uga imanaya waddamada reer galbeedka iyo kuwa Carabta oo ka walaacsan awoodda maamulka Falastiiniyiinta si ay u sii wadaan doorka muddada dheer ee macquulka ah ee wada xaajoodyada nabadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More