Feb 10(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ka Hortagga iyo Ilaalinta Ku-xadgudubka Jinsiga, waxaana wafdiga sidoo kale ka mid ahaa Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta jinsiga, ka hortagga tacaddiyada ku saleysan jinsiga, iyo horumarinta howlaha gargaarka bani’aadannimo ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa wafdiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay shacabka Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, carruurta, iyo guud ahaan bulshada nugul.
wafdiga Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku horumarinayso nabadda, xasilloonida, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, waxayna ballanqaadeen in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siinayaan barnaamijyada la xiriira ilaalinta jinsiga iyo gargaarka bani’aadannimo.
kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Gargaarka, Haweenka iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed.










