Maxaa ka jiro in shirkii Kampala la isugu raacay Road Map loo sameeyo DFS iyo isu keenida madaxda?

Apr 26 (Jowhar) Shirka Madaxda Ciidamada ku taageera Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay Kampala kama hadlin Road map ama wadahadal loo samaynayo Soomaalida dhexdeeda, sida ku cad war murtiyeedka madaxda shirka ka soo qayb gashay waxaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni loo doortay inuu noqdo Gudduumiyaha Madal ay ku kulmayaan dalalka ciidamada ku taageera Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya.

“Waxaa la isku raacay aasaaska madal ka kooban Dalalka Ciidamada ku Yaboohay “TCCs) iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Madashan oo ah heer Madax qaran iyo Madax xukuumadeed waxaa hoggaamin doona, Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo Madaxa Ciidamada TCCs oo kaashanaya Midowga Afrika kaas oo ka caawin doono xoghaynta iyo galalka hawlgalka.

Madaxda dalalka Ciidamada Soomaaliya ay ka joogaan ayaa ogolaaday in la sameeyo dhabbaha hirgelinta  shaqada—Road Map-si loo qiimeeyo Hawlgalka AUSSOM iyo qorshaha horumarinta amniga ee Soomaaliya.

Madaxda ayaana isku raacay in laba bil gudahood ku yeeshaan shirkooda ugu horreeya”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More