Madaxweyne Deni oo ka hadlay inuu ka qeyb galayo shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan

Apr 26(Jowhar) Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in gogoshii uu horay Soomaali ugu baaqay ay wali taal Garowe, isagoo ka dhawaajiyay in shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gogoasha Wadatashiga haddii uu yahay sida midkii ay NCC aysan tagi doonin.

Wuxuu caddeeyay in shirka NCC ay horay uga soo baxeen bishii December 2022, kaddib markii laga leexday wixii Soomaali ku heshiisay oo ugu horreeyo Dastuurka, illaa laga laabtana aysan shirkaas tagi doonin.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay Munaasabad Tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More