Hoobiyayaal lagu weeraray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho
Apr 28 (Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro hoobiyayaal ah oo saaka lagu weeraray xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamadda Midowga Afrika iyo xarunta safaaradaha reer Galbeedka iyo Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in hoobiyayaasha oo tiradooda lagu sheegay ilaa saddex iney ku dheceen laba kamid ah gudaha xerada Xalane, iyadoo aan la ogaan khasaaraha ka dhashay maadaama aagaasi uu yahay mid xir xiran oo amaankiisa si weyn loo ilaaliyo, midka saddexaad waxa uu ku dhacay xaafado ka agdhaw taliskan.
Ciidamo NISA iyo boolis ah oo ku baxay goobaha nadaafiicdan laga soo tuuray ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyadoo aan warbaahinta lala wadaagin natiijada howlgaladaasi.
Majirto wax war ah oo Midowga Afrika ay kasoo saareen weerarakan, waxaana maalmahan laba jibaarmay weerarada madaafiicda ee Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aden Cadde ay fuliso kooxda Al-shabaab.