Mark Carney oo dib loogu doortay xilka ra’iisul wasaaraha dalka Canada
Apr 29 (Jowhar) Mark Carney oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Liberal-ka iyo Raysal Wasaaraha dalka Canada ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday Isniintii.
Sida ka muuqata natiijada hordhaca ah, Codbixiyayaasha dalka Canada ayaa doortay Mark Carney inuu noqdo Raysal Wasaaraha dalka, kaddib doorasho adag oo uu la galay Hoggaamiyaha Xisbiga Midigta ee Pierre Poilievre.
Canshuuraha sarreeya ee Donald Trump saaray dalkaas ayaa si wayn kor ugu soo qaaday Xisbiga Shaqaalaha iyo Hoggaamiyahooda oo aad loogaga horreeyay saadaasha.
Imaanshaha Trump ee xukunka Maraykanka iyo Iscasillaaddii Raysal Wasaarihii hore ee dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka saaciday in xisbiga Liberalka iyo hoggaamiyahooda dib loo doorto.
Xisbiga Liberalka ee doorashada ku guulaystay ayaa ah mid u furfuran soogalootiga ay ka midka yihiin Soomaalidu. Ku guulaysiga Carney ee xukunka ayaa rajo badan u abuuraysa Soomaalida magangalya doonka ah iyo kuwa xeryaha qaxootiyada ku jira oo ay si wayn saamayn ugu lahayd doorashada dalka Canada.