Madaxa hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil oo ku dhawaaqay inuu is casilayo

Apr 29 (Jowhar) Madaxa hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil (Shin Bet) Ronen Bar ayaa ku dhawaaqay inuu shaqada ka tagayo 15-ka bisha Juun, lix toddobaad kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu isku dayay inuu xilka ka qaado.

Arrintaas ayaa muujisay in labada nin uu ka dhex jiro khilaaf xooggan oo saameyntiisa leh.

Bar ayaa ka tagi doona booskiisa ku dhawaad 18 bilood ka hor dhamaadka mudada loo qorsheeyay, isagoo qiray mas’uuliyadiisa ku guul dareysiga Shin Bet ee ka hortagga weerarkii Oktoobar 7, 2023.

“Kadib 35 sano oo adeeg ah, iyo in la ogolaado habraac nidaamsan oo lagu magacaabayo ku-xigeen joogto ah iyo kala-guur xirfadeed, waxaan soo gabagabeynayaa waajibaadkeyga Juun 15, 2025,” Barr ayaa sidaas ku yiri hadal uu soo saaray.

Bar ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii wada xaajoodyadii ugu muhiimsanaa ee Israa’iil ay kula jirtay Xamaas kuwaas oo looga hadlayay xabad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha Israa’iiliyiinta ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More