Feb 12(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaare hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisulwasaare Xamsa iyo Mudane Maxamed Xuseen ayaa ka wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha gogosha wadahadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-halista arrimaha taagan si dalka uu horey ugu tallaabsado, loogana xoreeyo cadowga Khawaariijta, meelna looga soo wada jeesto faragalinta dibadeed ee lagu sameeyay dalka.










