Sunday, February 15, 2026
Home NEWS Jubaland oo bur-burisay 4 saldhig oo ay Shabaab ku lahaayeen duleedka Badhadhe

Jubaland oo bur-burisay 4 saldhig oo ay Shabaab ku lahaayeen duleedka Badhadhe

45

Feb 15(Jowhar)-Howlgal gaar ah oo uu hogaamiyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugida Jubaland Maxamed Axmed Sabriye Basaam oo ka dhacay Howdka Fog ee Badda Madow, Deegaanka Lagta Hola-Wajeer, Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose oo lagu jabiyay Khawaariijta.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Dowladda Jubbaland (JISA) ayaa howlgal qorsheysan oo socday muddo afar (4) maalmood ah ka fuliyay deegaankaas, kaas oo si weyn loogu naafeeyay Khawaarijta.

Howlgalkan oo ay hawada ka taageerayeen saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu burburiyay saldhigyadii qaraxyada, xarumihii saadka, isgaarsiinta, iyo keydadkii hubka ee ay Khawaarijtu ku lahaayeen halkaas, kuwaas oo ay u adeegsan jireen qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay uga duuli jireen deegaanada kala duwan ee Jubaland iyo gudaha Dalka Kenya.

Sidoo kale, howlgalkan waxaa lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo Ciidamada JISA ay si buuxda gacanta ugu hayaan meydadka 60-ka Khawaarijta ah ee lagu dilay howlgalka oo ay ku jiraan horjoogayaal. Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qalab fara badan oo ay ku jireen miinooyin noocyadooda kala duwan, maadooyinka laga sameeyo qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub, saanad ciidan, iyo agab kale oo muhiim u ahaa howlgallada argagixisada.

Howlgalkan guusha leh ayaa sidoo kale lagu burburiyay xeryihii saadka, xarumihii isgaarsiinta, iyo keydadkii qaraxyada iyadoo Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen in ka badan boqol noocyada Kala duwan ee miinooyinka ah qarxa ah.

Xeryahan la burburiyay ayay khawaariijtu kasoo abaabuleen weerarkii ay ku jabeen ee ay dhawaan ku qaadeen Deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.