Feb 18(Jowhar)-Dowladda Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah loogu ogolaaday nidaamka baasaboorada Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo noqotay xubintii lixaad ee awood u leh inay soo saarto baasaboor goboleed oo ay aqoonsan yihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah.
Dalalka kale ee hore u hirgeliyay nidaamka e-Baasaboorka EAC iyo xilliyada ay bilaabeen waa:
Kenya: 1 Sebtembar 2017
Tanzania: 31 Janaayo 2018
Burundi: 31 May 2018
Uganda: 18 Disembar 2018
Rwanda: 1 Luulyo 2019
Dhanka kale, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo weli ma aysan hirgelinta nidaamkan.









