Thursday, February 19, 2026
Home NEWS Trump oo ugu danbeyn amray weerar lagu qaado Iran iyo cabsida taagan

Trump oo ugu danbeyn amray weerar lagu qaado Iran iyo cabsida taagan

249

Feb 19(Jowhar)-Dawladda Maraykanka ayaa go’aan ku gaadhey in weerar maalmaha soo socda lagu qaado dalka Iran ka dib markii laysku fahmi waayey wada hadalladii ka dhacay dalalka Cumaan iyo Switzerland kuwaas oo la doonayey in lagu gaadho heshiis dhex mara labada dhinac.

Xukuumadda madaxweyne Donald ayaa bariga dhexe u soo dirtay diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta diyaaradaha xambaara iyo weliba nidaamka difaaca ee hawada sare si loo ilaaliyo dalalka Carbeed ee Maraykanku uu ku lee yahay fadhiisimada ciidan.

Trump ayaa doonaya in uu wiiqo awoodda sii kordhaysa ee Iran iyo in lagu sandulleeyo ogolaanshaha heshiis Tehran kaga tanaasulayso haysashada hubka wax gumaada ee Nuclear-ka loo yaqaanno.

Iran ayaa dhinaceeda ku hanjabaysa in ay weerari doonto saldhigyada Maraykanka ee gobolka bariga dhexe iyo in sidoo kale ay xidhi doonto gacanka caanka ah ee Hormus oo ah mid muhiim u ah gobolka dhexe. Diyaar garowga dagaal ee labada dal ayaa ah mid si weyn loo dareemayo mana muuqata wax waan waan ah oo ilaa hadda laga dhex wado labadan dal ee colaada isu ballansanaya.