Monday, February 23, 2026
Home NEWS Qaramada Midoobe oo war kasoo saartay fashilka ku yimid shirkii dowladda iyo...

Qaramada Midoobe oo war kasoo saartay fashilka ku yimid shirkii dowladda iyo mucaaradka

198

Feb 23(Jowhar)-Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay burburka ku yimid wadahadalladii u dhexeeyey Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

War kooban oo kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu muujiyey walaac laga qabo fashilka wada-xaajoodyada, iyadoo dhinacyada loogu baaqay inay si degdeg ah dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sidoo kale, Qaramada Midoobey waxay bixisay tilmaam muujinaysa inay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dadaallada dhexdhexaadinta.