Tuesday, February 24, 2026
Home NEWS Dowladda UK oo war kasoo saartay kaalinteeda isu soo dhaweynta mucaaradka iyo...

Dowladda UK oo war kasoo saartay kaalinteeda isu soo dhaweynta mucaaradka iyo diwladda

127

Feb 24(Jowhar)-Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay si firfircoon uga shaqeynayso dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu xallinayo qodobada wali la isku hayo ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Soomaaliya. UK waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan tanaasul, isla markaana la sii wado wada hadallada.

War-saxaafadeed kasoo baxay UK ayaa lagu sheegay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadahadal iyo is-afgarad, iyadoo dhinacyada lagu booriyay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xiisad hor leh.

Dhanka kale, sida muuqata wakiillada caalamiga ah ayaa dardar geliyay dadaalladooda la xiriira isu soo dhaweynta dhinacyada Soomaalida, iyagoo doonaya in wada hadallo wax ku ool ah la qabto kahor bisha April ee sannadkan.

Diblomaasiyiinta iyo daneeyayaasha caalamiga ah ayaa rajo ka muujiyay in dadaalladan ay horseedi karaan is-afgarad iyo xasillooni siyaasadeed.