Wednesday, February 25, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Israel oo booqasho lama Filaan ah ku tagay Addis-ababa

Madaxweynaha Israel oo booqasho lama Filaan ah ku tagay Addis-ababa

163

Feb 25(Jowhar)-Madaxweynaha Israel Isrl, Isaac Herzog, ayaa saaka tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport  ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo Wasiiru Dowlaha Berhanu Tsegaye.

Inta uu joogo Addis Ababa, Madaxweyne Herzog ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya

Booqashadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo sidoo kale bishan uu Addis Ababa booqday Madaxweynaha Turkiga, taasoo muujinaysa loolan  saameyn leh ee u dhexeeya Israel iyo Turkiga ee Geeska Afrika.