Wednesday, February 25, 2026
Home NEWS Xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ka soo Jeeda Galmudug oo kulan yeeshay

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ka soo Jeeda Galmudug oo kulan yeeshay

214

Feb 25(Jowhar)-Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Galmudug ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha abaaraha iyo arrimaha siyaasadeed ee ka taagan deegaanada Galmudug.

Kulanka waxaa lagu dhagaystay warbixinno la xiriira xaaladda abaaraha ee guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaanada Galmudug. Xubnaha goluhu waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga qaybqaato dadaallada loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale, xubnaha Golaha ayaa adkeeyay mowqifkooda ku aaddan doorashooyinka dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug. Waxay isku raaceen in si degdeg ah Galmudug looga qabto doorasho waafaqsan Dastuurka Dowlad-goboleedka Galmudug iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka, kuwaas oo qeexaya kala soocidda awoodaha dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Xubnaha Golaha ayaa sidoo kale caddeeyay mowqifkooda ku aaddan doorashooyinka la sheegay in si hal dhinac ah looga qabanayo Galmudug, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in aysan oggolaan doonin nooc kasta oo doorasho ah oo baalmarsan dastuurka dowlad-goboleedka iyo mabaadi’da dastuurka federaalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay:

1. Raysalwasaare hore, Musharrax Madaxweyne Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

2. Raysalwasaare hore, Musharrax Madaxweyne Mudane Maxamed Xuseen Rooble

3. Raysalwasaare hore, Musharrax Madaxweyne Mudane Xasan Cali Khayre

4. Musharrax Madaxweyne Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

5. Wasiir hore Xildhibaan Cabdullaahi Abuubakar Carab

6. Musharrax Madaxweynaha Galmudug Dr. Maxamed Aadan Koofi.