Thursday, February 26, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo kulan gaar ah la leh Sheekh Shariif iyo xubno...

Madaxweyne Xasan oo kulan gaar ah la leh Sheekh Shariif iyo xubno la socda

244

Feb 26(Jowhar)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka bilowday kulan gaar ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo musharrixiin ay ka mid yihiin Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Cabdiqaadir Cosoble, iyo Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur.

Sida ay sheegayaan ilo ka agdhow Madaxtooyada, kulankan ayaa ku socda jawi ehelnimo, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dhinacyadu is dhaafsanayaan aragtiyo ku saabsan hannaanka iyo waqtiga doorashada, iyadoo la raadinayo is-afgarad siyaasadeed.

Kulankan ayaa imanaya xilli doodaha la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka iyo wadatashiyada siyaasadeed ay si weyn uga socdaan dalka. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin natiijooyinka laga filayo kulanka.