Feb 28(Jowhar)-Qaraxyo culus ayaa laga maqlay magaakada Tehran ee caasimadda dalka Iran, iyadoo uuro iyo Qiiq madow uu cirka isku shareeray.
Telefishinka dowladda Iran ayaa qiray in qarax dhacay, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Israel ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo Wasiirka Difaaca Israel Katz uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay guud ahaan Israel.
Isla waqtigaas, Siiriyo digniin ah ayaa ka yeeray guud ahaan Israel. Militariga ayaa sheegay in digniintaasi ay ahayd “tallaabo hore oo lagu diyaarinayo dadweynaha suurtagalnimada in gantaallo loo soo rido dhankooda.
Qarxyadan ayaa imaanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka ay cirka sii galeyso, taasoo la xiriirta barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.










