Saturday, March 7, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Iran oo ku dhawaaqay iney hakinayaan duulaanka dalalka Carabta

Madaxweynaha Iran oo ku dhawaaqay iney hakinayaan duulaanka dalalka Carabta

207

Mar 07(Jowhar)- Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in golaha hoggaanka ku-meel-gaarka ah uu go’aamiyay in Iran aysan mar dambe weerari doonin dalalka deriska ah, haddii aan weerar laga soo qaadin dhulkooda.

Pezeshkian wuxuu sidoo kale raalli-gelin ka bixiyay weerarradii hore ee ku dhacay dalalka gobolka, isagoo sheegay in Iran aysan cadow la ahayn deriskeeda, balse ay jawaab celin sameyn doonto haddii weerarro laga soo qaado dalalkaas.

Dhinaca kalena, Wadamada kujira Jaamacadda Carabta oo iclaamiyay kulan degdeg ah si ay uga wada hadlaan weerarrada Iran.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa beri oo Axad ah yeelan doona kulan degdeg ah, si ay uga doodaaan “weerarrada Iran ee ka dhacay dalal dhowr ah oo Carbeed.

Kulanka ayaa lagu qaban doonaa hab muuqaal-shir (video conference), waxaana codsaday dalalka Kuwait, Sacuudi Carabiya, Qatar, Cumaan, Urdun iyo Masar.