Mar 07(Jowhar)-Xilligan waxaa Muqdisho ka socda shir albaabadu u xiran yihiin oo u dhexeeya madaxweynayaashii hore ee dalka, Mohamed Abdullahi Mohamed iyo Sharif Sheikh Ahmed.
Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xaaladda cakiran ee uu dalku maanta marayo, iyo sidii xal loogu heli lahaa marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ku jirto, xilli ay xukuumadda uu hoggaamiyo Hassan Sheikh Mohamud laashay dastuurkii hore ee dalka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli habeen hore uu guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Adan Mohamed Nur Madobe, ku dhawaaqay in Baarlamaanku ku darsaday muddo-kororsi hal sano ah.










