Monday, March 9, 2026
Home NEWS Wasiirada Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiisadda Kacsan...

Wasiirada Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiisadda Kacsan ee Iran

284

Mar 08(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xiisadaha Iiraan intii uu khadka telefoonka kula hadlay Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Marco Rubio, iyadoo xaaladda Bariga Dhexe ay si weyn u kacsan tahay.

2 dhinac waxay ka wada hadleen horumarrada ugu dambeeyay ee dagaalka iyo weerarrada Iiraan, oo ay ku jirto gantaal ballistic ah oo ka yimid Iiraan oo loo qabtay, isagoo ku wajahan hawada Turkiga balse ay qabteen nidaamyada difaaca hawada ee NATO.

Hakan ayaa wariyayaasha u sheegay in ay muhiim tahay in nabadda gobalka la ixtiraamo, Irana ay joojiso weerarada dalalka deriska ah, oo uu sheegay in ay xadgudub tahay.