Tuesday, March 10, 2026
Home NEWS Trump: “Haddii aan tallaabo deg deg ah laga qaadin Iiraan, Israa’iil...

Trump: “Haddii aan tallaabo deg deg ah laga qaadin Iiraan, Israa’iil waa la tirtiri”

248
Operation Epic Fury a high-stakes gamble for Trump
Operation Epic Fury is becoming a high-stakes political gamble for the Trump administration, as it begins to have a knock-on effect on Americans' wallets during a highly-charged political year

Mar 10(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay wajaheyso khatar weyn haddii aan tallaabo militari oo deg deg ah laga qaadin Iiraan bisha June ee sanadkan.

Trump oo shir la yeeshay xildhibaanada Jamhuuriga ee xisbigiisa ayaa yiri: “Haddii aynaan tallaabo ka qaadin Iiraan ilaa bisha June, Israa’iil waa la tirtiri.”

Trump wuxuu ku dooday in weerarradii militari ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan ay ahaayeen tallaabo lagu hor istaagayo weerar ay Tehran qorsheynaysay. Sida uu sheegay, weerarkaas la qorsheynayay wuxuu khatar ku ahaa Israa’iil iyo xulafada Mareykanka ee gobolka Bariga Dhexe.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ay weli sareyso, islamarkaana ay jiraan cabsi laga qabo in colaaddaasi ay ku fido dalal kale oo gobolka ku yaalla.

Dhanka kale, Iiraan marar badan ayay beenisay eedeymaha sheegaya inay qorsheynaysay weerar ballaaran oo ka dhan ah Israa’iil, waxayna ku eedeysay Mareykanka iyo Israa’iil inay kordhinayaan xiisadda gobolka.

Hadalka Trump ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli siyaasadda Mareykanka ay diiradda saareyso arrimaha amniga Bariga Dhexe iyo xiriirka ay Washington la leedahay Israa’iil.