Wednesday, March 11, 2026
Home NEWS Israel oo saldhig ay ka weerarto Xuutiyiinta ka dhisaneyso Somaliland

Israel oo saldhig ay ka weerarto Xuutiyiinta ka dhisaneyso Somaliland

219
Screenshot

Mar 11(Jowhar)-Wargeyska Bloomberg ayaa qoray warbixin qotodheer oo uu ku sheegayo in Israaiil ay qorsheynayso iney saldhig milatari ka sameysato afka Badda Cas, gaar ahaan goob istiraatiiji ah oo 100 kilometer galbeedka kaga beegan magaalada Berbera.

Sida wargeysku sheegay, Khubaro amni oo Israaiiliyiin ah, oo kaashanaya maamulka Somaliland, ayaa sahmiyey goobta la doonayo in saldhigga laga dhiso.

Wargeyska ayaa sheegay inuu ujeedka Israaiil yahay iney halkaas ka weerarto maamulka Xuutiyiinta ee ka taliya inta badan Waqooyiga Yemen, gacansaarka xoogganna la leh Iran.

Si kastaba, Haddii arrintani dhabowdo, waxay dalkeenna dhexgalineysaa dagaalka ba’an ee ka huraya Bariga Dhexe, waxayna taasi halis weyn ku tahay amniga qaranka iyo xitaa jiritaanka dalka.