Mar 14(Jowhar)-Sanatar Adam Cabdinaasir oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay DFS inay colaad ka hurineyso deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ayuu ku sheegay in dowladdu ay burburineyso nidaamka Federaalka dalka isagoo sheegay inay haatan arkaan wixii ay ka digayeen maamulada Jubbaland iyo Puntland.
“Jubbaland & Puntland waxay ka digeen ayaan aragnay…” waxaa sidaas yiri Senator laga soo doorto Koonfur-galbeed oo ka hadlaya khilaafka-siyaasadeed ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Koonfurgalbeed oo banaanka u soo baxay.











