Sunday, March 15, 2026
Home NEWS Iran oo ka hadashay wararka sheegaya in la dilay Netanyahu

Iran oo ka hadashay wararka sheegaya in la dilay Netanyahu

245

Mar 15(Jowhar)-Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa kusheegay Bayaan kasoo baxay in haddii Benjamin Netanyahu uu weli nool yahay, Iiraan ay sii wadi doonto bartilmaameedsigiisa, iyagoo ku tilmaamay “dambiile carruur dilay.”

Bayaankan wuxuu imanayaa iyadoo xiisadda dagaalka u dhexeysa Iran iyo Israel ay sii kordhayso, isla markaana hanjabaado milatari iyo weerarro is-dhaafsi ah ay socdaan.

Iran, waxay dhawaan sheegtay in ay beegsatay guriga Netanyahu.