Tuesday, March 17, 2026
Home NEWS Itoobiya oo diyaarad gaar ah ku geysay Baydhabo madaxweyne Lafta-gareen

Itoobiya oo diyaarad gaar ah ku geysay Baydhabo madaxweyne Lafta-gareen

265

Mar 17(Jowhar)-Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa galabta ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Baydhabo.

Sida xogaja tilmaamayaan, Dowladda Itoobiya ayaa diyaarad gaar ah Lafta-gareen ku geysay magaalada Baydhabo, kadib is-fahan dhexmaray labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu berri la hadlo warbaahinta, kadib marka uu kulan xog-waraysi ah la yeesho Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Dr. Cali Saciid Faqi iyo sidoo kale hay’adaha amniga maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka la qorsheeyay ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xaaladda amniga, arrimaha maamulka iyo qorshayaasha socda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee ka dhanka ah dowladda dhexe.