Tuesday, March 24, 2026
Home NEWS Midowga Yurub oo ka walaacsan khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Koonfur...

Midowga Yurub oo ka walaacsan khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed

104
Screenshot

Mar 24(Jowhar)-Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda sii xumaanaysa ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in xiisadda taagan lagu xalliyo wada hadal iyo is-afgarad, halkii ay ka sii kordhin lahayd khilaafka jira. Waxay carrabka ku adkeysay in loo baahan yahay dadaallo dhexdhexaadin iyo wada xaajood si xal waara looga gaaro arrimaha taagan ee la xiriira Koonfur Galbeed.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in dhinacyada ay muujiyaan dulqaad iyo mas’uuliyad siyaasadeed, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Diblomaasiyiinta Midowga Yurub waxay tilmaameen in wadahadalka iyo dhexdhexaadintu ay yihiin dariiqa ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed, gaar ahaan xilliyada xasaasiga ah ee dalka marayo.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.