Wednesday, March 25, 2026
Home NEWS Abiye Axmed oo beeniyay iney faragelin ku hayaan siyaasada gudaha Soomaaliya

Abiye Axmed oo beeniyay iney faragelin ku hayaan siyaasada gudaha Soomaaliya

209
Screenshot

Mar 25(Jowhar)-Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo lahadlayay warbaahinta dalkiisa ayaa la weydiiyey in ay Itoobiya faragalin kuhayso dalalka gobalka, wuxuuna sheegay in aysan taasi waxba ka jirin, ayna derisyada dhan nabad kula nool-yihiin.

Abiy ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed dalka 2aad ee ay tirada ugu badan ku nool yihiin ay tahay Itoobiya, ayna ixtiraam u hayaan.

RW Itoobiya ayaa diiday in uu xukunkiisu faragalin kuhayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay kala dhaqeeyaan iskaashiga dhinacyada iyo amniga, isagoo tilmaamay in aysan jirin kooxo/dhinacyo ay kala taageeraan ama dhexgal gudaha ah.

Si lamid ah sida Soomaaliya ayuu sheegay in ay Eritrea ula dhaqmaan nabdooni, walaalnimo iyo deris wanaagna ula jecel yihiin.